Daawo Madaxweyne Waare oo sheegay in la soo faragin doonaa haddii shirka Dhuusamareeb 3 qabsoomi waayo

14 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka digay in haddii uu dhici waayo shirka Dhuusamareeb 3 ay ka dhalan karto in la soo farageliyo oo talada dalka ay gaarto meel aan la fileyn.

Madaxweyne Waare ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu maanta la yeeshay Guddiga Farsamada ee ka soo tala bixinta nooca doorasho ee dalka ka dhaceysa.

“Waxaan aad iyo aad rajo uga qabnaa oo aan dhiiragelineynaa in Shirka Dhuusamareeb uu dhaco, haddii uu dhici waayo nasiib darro iyo calool xumo iyo rajo xumo ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay ayay noqoneysaa”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Madaxweyne Waare oo sii haldayay ayaa yiri “Haddii shirkaas dhici waayo sheekada inay naga baahdo ayaa ka dhalan doonta oo meel aanan filaneyn inay talada tagto, in nala soo farageliyo ayaa ka dhalan doonta oo aan u muuqano dad  taladooda ku filneyn”

Waxaa uu sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii shirka u furmi lahaa, lagana soo wada qeyb galo, isagoo xusay in shirkaas qabsoomo ay ku xiran tahay sida Guddiga Farsmaada u shaqeeyo oo uu la yimaado niyad wanaag.

Shirka Dhuusamareeb ayaa la qorsheeyay inuu dhaco 15-ka bishan, hase ahaatee waxaa muuqata in aanu waqtigiisa dhici karin, maadaama caqabado kala duwan ay jiraan, taasoo u baahan in la xaliyo ka hor shirka, sida in la magacaabo Ra’iisul wasaare cusub.

Mareykanka ayaa sheegay inuu si weyn ugu rajo qabo natiijada shirka Dhuusamareeb 3, waxaana uu xusay baahida loo qabo in la helo nooc doorasho raalli la isaga yahay iyo taageerada ay u hayaan DFS, Dowlad Goboleedyada, Baarlamaanka iyo Daneenayaasha siyaasadda, waxaana Mareykanku caddeeyay in aanu jiri doonin wax muddo kororsi, doorashadana waqtigeeda ku dhacdo.
Daawo muuqaal

Puntlandes.com

About The Author