Madaxweyne Farmaajo oo qudbad ka jeedinaya kulanka berri ee Baarlamaanka Federalka

14 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu khudbad ka jeediyo kulan uu yeelanayo Golaha Shacabka berri oo ah 15ka bisha August 2020.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa loo direy fariimo wargelin ah oo ku saabsan ajandaha kulanka berri oo noqonaya dhagaysiga warbixin uu u jeedinayo Madaxweyne Farmaajo.

Khudbada Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu ku soo qaato arrimaha siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka dalka.

Maalinta berri oo ah 15ka August ayaa sidoo kale waxaa ay tahay maalintii lagu balamay in uu furmo shirka Dhuusamareeb 3 kaasoo la qorsheeyay in loogaga hadlo qaabka ugu habboon ee doorasho dalka ugaga dhici karto.

Dadka siyaasadda odorasa ayaa aaminsan in Madaxweye Farmaajo uu doonayo in waqtiga xil hayntiisa uu kordhisto.

Hase yeeshee siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ka soo horjeeda in waqtiga loo kordhiyo Madaxweyne farmaajo,sidoo kale beesha caalamka ayaa dooneysa in la qabto doorasho xilligeeda ku dhacda.

Hortagida Madaxweyne Farmaajo ee Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaysa saddex toddobaad kadib markii ay xildhibaanada baarlamaanka kalsoonida kala laabteen dowlada uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa Xasan Cali Kheyre.

Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa dowlada Soomaaliya aysan lahayn ra’iisul wasaare rasmi ah, inkastoo Baarlamaanka uu ka codsaday Madaxweyne Faramajo inuu ku magacaabo si dhaqso ah ra’iisul wasaare cusub.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii ugu dambeysay ee uu ka jeediyo baarlamaanka federalka waxa ay ahayd 6dii June ee sanadkan.

Puntlandes.com

About The Author