Sawirro: Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray Dhuusamareeb

15 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa gaaray maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen ayaa waxaa ay noqdeen kuwii ugu horeeyay ee gaara magaalada Dhuusamareeb iyadoo lagu wado in ay goordhow gaaraan wufuud uu ka mid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Ujeedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Dhuusamareeb ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka wejiga saddexaad ee Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee halkaas ka furmaya.

Madaxweyneyaasha maamulada Hirshabeelle, Jubbaland iyo Puntland ayaa lagu wadaa iay gaaraan Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas ka socda diyaar garoow ku aadan soo dhaweyntooda.


Puntlandes.com

About The Author