Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Dhuusamareeb

15 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray gelinkii dambe ee maanta magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-qoor iyo ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamul goboleedka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda Shir ku saabsan doorashooyinka uu uga furmo Dhuusamareeb.

Shirkan ayaa ah wajiga Saddexaad ee shir wadatashi ah oo ku saabsan qaabka ugu habboon ee dalka Soomaaliya ay uga dhici karto doorasho.

Hase yeeshee magaalada Dhuusamareeb ayaan waxaan weli soo gaarin Madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland kuwaasoo safar dibbada ah uga maqan dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hor inta uusan ka soo ambabaxin magaalada Muqdisho waxa uu duhurnimadii maanta khudbad u jeediyay Golaha Shacabka isagoo u sheegay in wixii ka soo baxa kulanka Dhuusamareeb 3 uu dib ugula soo laabanayo xildhibaanada golaha.


Puntlandes.com

About The Author