Akhriso Dacwad ka dhan ah Maxamuud Khaliif Xasan (Jebiye) sheegashadiisa magaca Xisbiga Cadaaladda iyo Sinaanta uuna u gudbiyey gudoomiyaha iyo guddiga doorashada Puntland

Xisibiga Cadaaladda iyo Sinaanta ee Puntland Soomaaliya/The Justice and Equality Party (CADSIN- JEP) waxaa la diyaarshay oo la dhisay urur ahaan sanadkii 1991,Inkasta oo aan lagu dhawaaqin daruufo adag oo dalka kajiray awgeed, kadib markii ay burburtay Dowladii Dhexe ee Soomaaliya ayna bilowdeen dagaaladii ahliga ahaa si loo helo badbaadin ummadda iyo dalka Soomaaliyeed.

Waxaana si toosa ah gudiga fulintu xisbigu  garwaaqsaday iskuna raacay  Inay dhamaystiran tahay Hawsha xisbigu sanadkii 1999, Intii ka danbaysayna Waxaa sii socday xog ururin iyo sugitaan waqtigii ku haboon ee lagu dhawaaqi lahaa.

Hadaba waxaa ururka iyo siyaasadiisa lala wadaagay dad badan oo reer Puntland, maadama uu ahaa urur dhisan oo taageerayaal  iyo maamul leh.

Xiligii lagu dhawaaqayey ururada Puntland waxaa ururka saamayn xoogan ku yeeshay cudurka Covid-19, taas oo suurtogelin wayday ku dhawaaqista ururka.

Waxaa fajaciso nagu noqotay markii aanu aragnay Ururkii Cadaaladda iyo Sinaanta oo looga dhawaaqay Puntland ayna ku dhawaaqeen xubno aan ahayn maamulkii iyo xubno ka mid ah ururka.

Qoraalkaan hoose waxa uu Afhayeenka Ururku u diray gudoomiyaha gudiga doorashooyinka Guuleed Saalax. Wuxuuna ogaysiin u diray gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdrashiid Yusuf Jibriil iyo wasiirka arimaha gudaha,doorashooyinka iyo dagaamaaynta Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

 

 

XISBIGA CADAALADDA IYO SINAANTA (CADSIN

August 2,2020 Bismilaah. Allaahu Masali Calaa muxamed. ———————————– Asc ww. Mudane Gudoomiye Guuleed Saalax, salaantaas muslimka oo kore baan kugu salaamaaynaa. Bacda salaan.

 

Waxaan halkaan markii lixaad (6 Jeer) kuugu soo diraynaa dacwadaan horay kuugu soo gudbinay.

a) Mudane gudomiye, waxaan filaaynaa in aad tahay nin sharci yaqaan(Lawyer) ah, oo garanaya xuquuqda qofku leeyahay.

b) Waxaan garwaaqsannahay, oo ogsoonahayna, in masuuliyadaadu tahay cadaalad iyo hufnaan garsoornimo. Anagoo og intaas, gar-waaqsana xushmadaada iyo meeqaam-kaaga kuguna tix galinaayna.

c) Sidaan dac-wadayadii hore kuugu sheegnay, anagoo ah urur siyaasadeed soo jireen ahaa ilaa bilaawgii 1991 kii, meelo badan oo aduunka ahna laga ogsoon yahay oo Puntland ka mid tahay. Ururkaas oo magiciisu yahay XISBIGA CADAALAD IYO SINAAN/CADSIN PARTY Puntland, Soomaaliya.

d) Kadib markaan war baahinta ka maqalnay ku dhawaaqidda xisbiyada Puntland Soomaaliya. Kadib, markii wakhtigu noo saamixi waayey in aan soo gaarno Garoowe, Puntland, Soomaaliya si aan isu diwaan galina COVIN 19 darti.

 

Maadaa safaro dibada ah aanu ku maqnayn,ū qof kasta oo naga mid ahina halkuu joogay ku godoomay. Kadib markaan aragnay oon dhagaaysanay qudbadaadii July 18,2020 Waxaan kuu soo gudbinay dacwad aan kuu sheegaayno in magaca cadaalad iyo sinaan aan anagu iska leenahay.

 

Qofka ama dadka magacaas sheegtay oo urur ama xisbi siyaasadeed isku diwaan galiyeyna xaq iyo magac uusan lahaayn sheegtay.

 

Maadaa uu magacaas yahay mid caan ah oo urur dad leeyahay ah. Waxaan kuu sheegnay, in aan dacwad nahay, file dacwad ahna ka furanaayno markaay noo suurta gasho imaansha Garoowe, Puntland, Idamka Allah.

 

Waxaan cod cajaled ah iyo qoraal kuu soo dirnay taariikhaha hoose: July 18 2020, July 19 2020, July 21 2020, Jully 23 2020, July 24 2020 Iyo hadeer. Aug.02/2020 anagoo kaa cosanayna,madaama magaca urur siyaasadeedka cadaalad iyo sinaan la isku haysto, in aad magacaas hakisaan aqoonsi-giisa inta dacwadiisa lagu kala baxayo.

 

Mudane gudoomiye, intaas oo dacwad ah, iyo wacid dhawr jeer, ilaa hadeer wali wax jawaab iyo tixgelin ah kaama haayno anagoo muwadimiin Puntland, Soomaaliyeed ah. Mudane gudoomiye maanta oo taariikhdu tahay: August 1,2020 Waxaan aragnay in aad Maxamuud Khaliif Xasan(Jabiye) iyo kooxdiisa magacii cadaalad iyo sinaan party oo dacwadiisu ku hortaaley aad u ansixisay una tixgalisay lahaan-shihiisa.

 

Hadaba gudoomiye Guuleed waxaan mar kale ku xasuusinaynaa kuuna soo gudbinaynaa dacwad ka dhan ah Cid alaale iyo qofkii ama kooxdii magaca urur siyaasadeedka xisbiga cadaaladda iyo sinaan/cadsin Pary sheegatay oo isku diwaan galiyey baadilnimo iyo boob xuquuq dadeed in ay sameeyeen, kuna sheegteen lahaansho xaq dad kale leeyahay.

 

Waajibka ku saaran anaguna xaq u leenahayna yahay, in aad dacwadayada iyo codsigaayaga naga aqbashid, waxna ka qabatid (arintaas) dacwadaas aan kuu soo gudbinay. Adigoo tix galinaya xaqa qofka wadaniga Puntlandiga iyo Soomaaliga ahi leeyahay.

 

Gudoomiye Guuleed, fadlan arintaan waa in aad u qaadataa (very Serious matter). Maadaa ay arintaani xasaasi tahay, keenina karto isku dhac iyo dhib weyn oo dhinacyada magaca isku haysta dhex marta dhankay doontaba ha ka timaadee.

Ugu dambaayn, mudane gudoomiye waxaan kaa codsanaynaa, in aad codsigayaga iyo dacawdaayda tixgesid. Arintaasna si dhab ah u fiirisid waxna uga qabatid.

 

Mudane gudoomiye iyo gudiga doorshooyinka ood gudoomiyaha u tahayba waxaan idinka codsanaynaa inaad magacaas xisbiga Cadaalad iyo Sinaan hakisaan inta Maxkamad aan ku kala baxayno dhinacyada kala sheeganaya. Mar hadii dacwadaasi waafaqsan tahay sharciga Soomaaliya, Puntland iyo sharciga caalamiga ah.

Mudane gudoomiye sidaada oo kale waxaan dacwad ah qoraalo ah oo isdabajoog ah u dirnay afhayeenka gudiga doorshooyinka mudane Cabdunuur Skeekh Isaxaaq wax jawaab ahna kama aanu helin.

KD(cc) Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland. Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil

KD(cc) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

 

Mahad sanid Waa Mukhlis-kaaga.

Afhayeenka: Urur  Siyaasadeedka XISBIGA CADAALAD IY SINAAN/CADSIN PARTY. Puntland, Soomaaliya.

Cabdiqani Xajji Warsame  Surweelle

Tel:001 343 297 3311


Puntlandes.com

About The Author