Sawiiro: Madaxweyne Waare oo gaaray Dhuusamareeb

15 August 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa gaaray maanta magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb kusoo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha oo u yimid ka qeybgalka Shirka Dhuusamareeb 3 ee looga tashanayo hannaanka Doorashada.

Maanta oo ay bishu ahayd 15ka August 2020 oo la filayey inuu shirku furmo ayaa waxaa gaaray magaalada Dhuusamareeb Wafdiyo ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta Gareen iyo  Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare.

Waxaa ilaa iminka aan gaarin magaalada Dhuusamareeb madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe)


Puntlandes.com

About The Author