Akhriso Hirshabelle, KGS iyo Galmudug oo Taageeray Go’aanka shirka Wadatashiga Garowe ay ku yeesheen Puntland iyo Jubaland

27 August 2020 (Puntlandes) Dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed, Hirshabelle, iyo Galmudug ayaa waxay soo dhaweeyeen go’aanka shirka Wadatashiga Garowe ay ku yeesheen Puntland iyo Jubaland, kadib Shir Qadka enternetka ay ku yeesheen Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka, Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) Hirshabele Mudane Dr Maxamed Cabdi Waare, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, iyagoo bogaadiyay in labadaas Dowlad Goboleed ay ku soo biiraan dhameystirka shirarkii Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxay soo dhoweeyeen shir ay yeeshaan Dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland oo Madaxdooda todobaadka soo socda tagaya Muqdisho, si loo dhammeeyo wixii is fahan darro ah ee jira, si loo ambaqaado u diyaar garowga doorasho ku dhacda waqtigeeda.

Puntlandes.com

About The Author