Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed oo xilka la wareegay

14 Sept 2020 (Puntlandes) Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa munaasabad ka dhacday Villa Soomaaliya Cabdirisaaq Xuseen Aadan.

Agaasime Cabdinuur oo soo bandhigay qorshe ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka iyo dhiirri gelinta ka qeybgalka dhallinyarada ee hoggaaminta dalka ayaa ka rajeeyey dhammaan howlwadeennada Dowladda in ay ku garab istaagaan gudashada masuuliyaddan muhiimka ah ee loo xilsaaray.

“Qof kasta oo dhallinyaro ah waxa uu halbeeg u yahay howl gudashada iyo kartida dhallinyaradeenna Soomaaliyeed, sidaas darteed waa in aan si mug leh uga soo dhalaalno waajibka nooga aaddan dalka iyo dadka. Waxaan hiigsanayaa in aan ka miro dhallinno fursadaha dhallinyarada Soomaaliyeed uga furan hoggaaminta dalka.”

Dhankiisa, Agaasime Cabdirisaaq Xuseen Aadan ayaa ka warbixyey shaqooyinka muhiimka ah ee ay soo qabteen iyo waajibaadka shaqo ee baaxdda weyn ee horyaalla Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Sheekh Cali Baqdaadi ayaa ku ammaanay Agaasime Cabdinuur howl gudashada wanaagsan iyo shaqooyinkii muhiimka ahaa ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada sanadihii la soo dhaafay, waxa uuna kula dardaarmay in uu rumeeyo yididiilada iyo horumarinta shaqada ee laga filayo.

Munasaabaddan waxaa ka soo qeyb galay siihayaha Wasiir Kuxigeenka Amniga Xildhibaan Cabdinaasir Siciid Muuse, Kuxigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada ee Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Cabdullaahi Sheekh Cabdikariim, Lataliyaasha, Agaasime Waaxeedyada iyo Howlwadeennada Madaxtooyada.

Puntlandes.com

About The Author