XILDHIBAAN CABDIXAKIIN YUU BAARLAMAANKA PUNTLAND KU METALAA? SHACABKU WAA INAY KA FIIRSADAAN SOO SAARISTA XILDHIBAAN AAN MATALIM!!!

Xildhibaan Cabdixakiin Yuusuf Xuseen waa dhildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dawladda Puntland, wuxuna kursiga ku metalaa beelo ka mid ah Beesha Cumar Maxamuud.

Baarlamaanka Puntland waxa uu ku salaysan yahay oo lagu soo xulaa beelaha Puntland sidii ay u qaysadeen 66 kursi ee uu ka kooban yahay oo hadana lagu saleeyey deegaan ama gobol.

Beesha Cumar Maxamuud ee degta gobolada Nugaal iyo Mudug waxay Baarlamaanka ku leedahay 4 kursi kuwaas oo u qaysan Nugaal 2 iyo Mudug 2.

Xildhibaanada Baarlamaanka iminka ka hor Beesha Cumar  Maxamuud oo wax ku qaybsata 4 xarig, ma ahayn wax qayb lagu saleeyey sida ay Beeshu wax u qaybsato waxaan 20 sano ku fadhiyey 2 xarig oo ka mid ah 4 xarig ee Beesha.

Juhdi badan iyo dadaal dheer ka dib wuxuu Cumar Maxamuud isla qaatay in 4 kursi loo qaybsado 4 xarig ee Beeshu wax ku qaybsato.

Beesha hormoodka u ah mid ka mid ah xargaha ayaa waxay u garatay inuu kursigaas ku fariisto oo ku metalo xariga Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Cabdixakiin iska daa inuu u shaqeeyo inuu kursiga uu ku fadhiyo ku metalo beelaha uu ja kooban yahay xarigii usoo xushaye, wuxuu si cad u bilaabay la dagaalanka iyo xumaynta beelaha xariagaas gaar ahaan Beesha hormoodka u ah.

Xildhibaanku maba oga inuu beelaha xariga ku wada matalo xilka iyo kursiga uu ku fadhiyo.

FASHILKII SAMAYNTA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BURSAALAX

Dhawaan ayaa waxaaa degmada Bursaalax ee gobolka Mudug gaaray guddi ay dawladda Puntland usoo xilsaartay inay u dhisaan golaha deegaanka degmadaas, waxaana isna ku biiray wasiirka Arimaha Gugadaha dawladda Puntland Maxamed Dhabancad.

Dhismaha golaha deeganka degmada Bursaalax waxaa carqabad ku noqday labo shaqsi oo ay ahayd inay dadka u dhexeeyaan, waxaana maanta carabaabaynaa inuu mid ahaa Xildhibaan Cabdixakiin Yuusuf Xuseen.

Xildhibaan Cabdixakiin wuxuu wasiirka iyo guddiga dawladda kula dooday inuu doonayo in beshiisa oo ka mid ah beelaha uu ka kooban yahay xariga uu Baarlamaanka ku metalo ay ka hesho golaha sadbursi, haddii kale uusan aqbalayn.

Waxaa wax lala yaabo ah in gudigu lahaa war wax u hambee oo haka tagin xaqa beel ka mid ah xariga uu kursi uu wax ku maquuninayo ku matalo kama dhigtay xildhibaan, taas oo ah hormoodka xarigiisa isla markaasna ah beesha ugu balaaran deegaan ahaan degmada Bursaalax, haddii dhanka kale loo eegana aysan waxba kala ahayn isaga.

Tuduc yar baa waxay leedahay:

  • Doqontuba ninkii dad u xigga bay daa’im ximisaaye
  • Labeebshahana tii Dihatay baa dani u gaysaaye

 

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay tiraahdaa “HABAJECLOOY MUUSE WAA KAAS” maah maah kale oo Carabi ah ayaa iyana waxay tiraahdaa “Maxamed Cali maa Yakhali Meheratu” oo macneheedu yahay “Nina hawshiisa kama tanasulo”, marka Cabdixakiin shaqadiisii Isbaarada ahayd ayuu haystaa, mana oga inuu yahay Xildhibaan uuna ku matalo Baarlamaanka beelaha uu ka kooban yahay xarigiisu.

Wuxuuna caddeeyey inuu khasaaray dadaalkii iyo guhdigii ay geliyeen inuu ku fariisto kursiga uu maanta ku fadhiyo oo uu iyaga ku matalo, waxayna maanta jeclaan lahaayeen inay saxaan qaladkii ay galeen markii ay Xildhibaanka ka dhigeen Cabdixakiin.

Waxaan kusoo gabagabynayaa qormadayda sadaro ka mid ah heestii “kii Dhuumanayee Dhabarku muuqdee…..Waa Dharaar lagu dhawrayaaye dadkaaga dhinac ka raac yaanad dhubine dhinac ka raac”

 

Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

About The Author