Daawo Video: C/raxman C/shakur “Tanaasulka Madaxweynaha haddii dhab ka tahay Taliska Nabadsugida ha bedelo”

20 Sept 2020 (Puntlandes) Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay heshiiskii siyaasadeed ee doorashada iyo arrimo kale.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay in doorashada la boobayo ee la rabo in la dhaco ay tahay kuraasta xubnaha ka soo jeeda Somaliland ee doorashadooda ka dhaceyso Muqdisho, isagoo dalbaday in loo madax banaaneeyo dadka ka soo jeeda sida odayaasha dhaqanka iyo dadka ku matala siyaasadda.

“Waxaan dalbaneyna Somaliland doorashadeeda in loo madax banaaneeyo dadka deegaanada ka soo jeeda siyaasiyiin ayay leeyihiin, dad ku matala talada dalka, odayaal rug cadaa dhaqan ayay leeyihiin, meesha la boobayo ee la rabo in la dhaco waa doorashada Somaliland waa arrin aan indhaha ku heyn doono.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay tanaasulka uu sameeyay Madaxweynaha ayaa sheegay in haddii ay dhab ka tahay inuu caddeeyo, isla markaana Taliska Nabadsugida oo noqotay Hey’ad siyaasadeed inuu dib u habeyn ku sameeyo.

“Haddii Madaxweynaha tanaasulka dhab ka tahay dib u habeyn haku sameeyo Taliska Nabadsugida oo noqotay Hey’ad Siyaasadeed, shaqadii la dagaalanka Argagixisada ay gabtay, oo caadeystay inuu ku dhex milmo siyaasadda, oo saxaafaddii iyo siyaasiyiintii ay ka dhaqaaqi la’yihiin, tallaabooyinka tanaasulka uu caddeyo dib u habeyn ku sameeyo, dad mas’uuliyad leh oo khibrad iyo aqoon u leh dhex dhexaad u ahna  dadka siyaasiyiinta inuu geeyo, haddii uu daacad ka yahay waxa uu sheeganayo.

Dhinaca kale C/raxmaan C/shakuur ayaa dalbaday in la caddeeyo labada deegaan ee ay ka dhaceyso doorashada, isla markaana lakala caddeeyo qorshaha doorashada ee November ka bilaabaneyso inay noqoto December bilowgeeda in Xildhibaanada la doorto, si aanay uga dib dhicin 27 December oo ah xilliga uu dhamaanayo waqtiga Baarlamaanka Labada Aqal.


Puntlandes.com

About The Author