Kheyre oo warqad u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble

26 Sept 2020 (Puntlndes) Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ayaa warqad rasmi ah u qoray Ra’iisul Wasaare Rooble, ogeysiisna u diray Madaxweynaha, Guddoonka Labada Aqal, Maxkamadda sare iyi Ra’iisul wasaare kugeenka taasoo ku sheegay inuu isaga xilka ku wareejiyo sifo sharci ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii la riday Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa uu soo saaray wareegto Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ugu magacaabay Sii Haye Ra’iisul Wasaare, taasoo siyaasiyiinta mucaaradka ku tilmaameen in aanay sharci aheyn.

Mahdi Guuleed ayaa 50 cisho xilka Ra’iisul wasaaraha hayay, waxaana mudadaas uu shirayay dhowr jeer Golaha Wasiirada, iyadoo la ansixiyay sharciyo iyo guddiyo mugdi ku jiray, sharci ahaanshahooda aad loo duray, maadaama loo arkayay in la dedejinayay iyo dano siyaasadeed oo ku hoos-jirtay.

Si kastaba ha ahaatee Dastuurka KMG ayaa qaba in Ra’iisul Wasaaraha marka uu is casilo ama xilka laga qaado inuu xilka ku wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha la soo magacaabo, tiiyo ay aheyd arrin soo jireen ah tan iyo markii Dastuurkan la ansixiyay 2012,  dowladdii tan ka horeysayna markii xilka laga qaaday labadii Ra’iisul wasaare inay xilalka ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaarayaashii iyaga ka dambeeyay

PUNTLANDES.COM

About The Author