Khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Qoorqoor iyo Saraakiisha Milateriga

27 Sept 2020 (Puntlndes) Khilaaf xoogan  ayaa soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Saraakiisha Ciidanka Milateriga ee qeybta 21aad. 

Khilaafkaan ayaa ka dhashay hub ay laheyd Ahlusuna oo Madaxweynaha Galmudug amray in lagu wareejiyo Wasaaradda Amniga Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha Guutada 15aad ee qeybta 21aad Jen. Mascuud uu ka hor-yimid arrintan, kana biya diiday in hubkaas lagu wareejiyo Wasaaradda Amniga Galmudug, isagoo dalbaday in hubkan ay leedahay beel, ayna tahay haddii la wareejinayo in beelaha kalena laga wareejiyo

Taliyaha Madaxtooyada Galmudug oo hubkaas ay laheyd Ahlusuna gacanta ku hayay ayaa ku wareejiyay Taliyaha Guutada 15aad Jen. Macsuud, waxaana taasi ay keentay in Madaxweyne Qoorqoor uu xilka ka qaado Taliyihii Ciidanka Madaxtooyada.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa shalay safar dhanka dhulka ah kaga baxay magaalada Dhuusamareeb isagoo gaaray magaalada Cadaado.

Khilaafkan Madaxweyne Qoorqoor iyo Saraakiisha Milateriga ayaa keenay in wafdi ka socda DFS iyo Saraakiil ay shalay gaaraan magaalada Dhuusamareeb, si ay arrintan u xaliyaan.

Sidoo kale Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa la filayaa inay tagaan Dhuusamareeb, si ay qeyb uga noqdaan dadaalka lagu xalinayo khilaafka.

Dhinaca kale illaa 200 askari oo ka tirsan Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb, ciidankan ayaa waxaa dalbaday Madaxweynaha Galmudug, si ay uga qeyb qaataan sugida amniga magaalada Dhuusamareeb.

Puntlandes.com

 

About The Author