Sawirro:Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS oo Kulankooda sadaxaad ee Kalfadhiga 8aad Yeeshay

27 Sept 2020 (Puntlndes) Guddiga Joogtada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulankooda sadaxaad ee Kalfadhiga 8aad ku yeeshay xarunta Guddiyada iyo Guddonka Golaha Shacabka BJFS
Waxayna kulankooda uga hadleen shuruucda taala Golaha Shacabka iyo sidii loo kala horumarin lahaa ama mudnaanta loo kala siin lahaa maalmaha la kala gelinayo shuruucda Golaha hor yaala.
Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay sidii shaqada Baarlamanka loo kordhin lahaa isla markana inta waqtiga Baarlamanka ka harsan loo dardar gelin lahaa tayada waxbarashada dalka.
Kulanka Guddiga Joogtada Golaha Shacabka ayaa waxaa shir guddominaayey guddomiyaha Golaha Shacabka BJFS Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman iyo guddomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Mudane Cabduweli Sheekh Ibraahim Muuday


Puntlandes.com

About The Author