Sawirro-muuqaal: Madaxweyne kuxigeenka Somaliland oo shaaciyey inuu ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale kursigaas u tartamo

01 Okt 2020 (Puntlandes)  Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shaaciyey inuu ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale kursigaas u tartamo.
Madaxweyne-kux-xigeenku waxa uu caddeeyey inuu kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay, kuna dhisi doono wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu yeeshay damac uu kaga mid noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.
Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen, badiba xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku kaga dhawaaqay inuu danta xisbiga iyo ta qaranka uga laabtay damaciisii ku aaddanaa inuu mar kale isu sharraxo kursiga Afraad ee xisbiga KULMIYE oo shirweynihii lagu dooranayey maalmaha soo socda furmi doono.



Puntlandes.com

About The Author