Sawirro: Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Puntland oo Kormeer ku tagay Xarunta kastamka Gobolka Sool ee Faliryaale

03 Okt 2020 (Puntlandes) Guddiga Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa Kormeer u kuur-gelid ku tagay Xarunta kastamka Gobolka Sool ee Faliryaale.

Kormeerka Guddiga ayaa waxay warbixino kaga dhageysteen maamulaha kastamka Jamaal Cabdullaahi Cabdi iyo Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Sool Cismaan Yuusuf oo soo dhaweeyey Guddiga, warbixina ka siiyey hab sami u socodka shaqada iyo baahiyaha jira.

Guddiga ayaa ka xog wareystay habka Dakhliga loo aruuriyo, caqabadaha jira iyo qorshayaasha horumarineed, waxayna ka dib su’aalo ka weydiiyey masuuliyiinta arrimahaas, Guddiga ay kula dardaarmay in dakhliga loo aruuriyo si hufnaan-leh.

Kormeerka shaqo ee Guddiga ayaa qeyb ka ah shaqooyinka Guddiyadda Golaha Wakiillada DPL sida uu qabo Qodobka 64aad Dastuurka.


Puntlandes.com

About The Author