Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo maantay iskugu yeeray kulan diiradda lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrima sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka

03 Okt 2020 (Puntlandes) Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa maantaw iskugu yeeray kulan mihiim oo diiradda lugu saaray sidii wax looga qaban lahaa arrima sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka.
Shirka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Wasaaradda iyo khuburo aqoon yahan ah oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda.
Dood iyo falaqayn ka dib Wasiirka ayaa magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka ayadoo maalmahaan ay wasaaradda Maaliyadda Soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameenayo arrimaha sarifka.


Puntlandes.com

About The Author