Sawirro: Wasiirka Maaliyadda Puntland oo kormeeray Dugsiga Tababarka Ciidanka Difaaca Puntland ee Gen.C/laahi Maxamed Xasan (Jenaraal Tukade)

11 Okt 2020 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyadda Dowlada Puntland Muddane Xasan Shire Cabdi oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Cabdi Xasan Xuseen, maamulka degmada Xarfo iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka difaaca Puntland ayaa maanta kormeer howleed kutagey Dugsiga Tababarka Ciidanka Difaaca Puntland ee Gen.C/laahi Maxamed Xasan (Jenaraal Tukade) ee degmada Xarfo ee gobolka Mudug,kaasoo horay loo oranjiray Abqaale.

Wasiirk Maaliyadda Dowlada Puntland isla markaana ah Guddoomiyaha Guddiga tirakoobka iyo diiwangalinta ciidamada difaaca Puntland Iyo mas’uuliyinta la socotay ayaa xerada u tagay sidii tababar ugu furi-lahayen cutubyo kamid ah ciidamada dowlada Puntland ee kusugan gobolka Mudug.

Wasiirka iyo mas’uuliyinta kale ayaa kormeerkaas kadib waxay ku dhex lugeeyeen qeybo kamid ah magaalada Xarfo iyagoo eegayey horumarka ka jira magaalada.


Puntlandes.com

About The Author