Puntland oo dil toogasho ku fulisay nin dilay hooyadii

17 Okt 2020 (Puntlandes) Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowlada Puntland ayaa maanta oo sabti ah xukun dil toogasho ah ku fulisay nin hooyadii ku dilay deegaanka Jallam ee gobolka Nugaal.

Ciidamada Booliska Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay Faarax Cabdi Caagane oo sadex bilood ka hor hooyadiis Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay deegaanka Jalam ee Gobolka Nugaal, kadibna xabsiga dhigay.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Puntland oo ku xukuntay dil toogasho ayaa maanta ku fulisay Faarax oo hooyadiid u dilay si bareer.

Puntlandes.com

About The Author