Ciidanka Nabadsugidda oo xalay gurigiisa kala baxay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan

17 Okt 2020 (Puntlandes) Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xalay xiray Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo ka mid ah Ganacsatada ugu caansan Muqdisho, kaddib markii gurigiisa oo ku yaalla Muqdisho ay kala baxeen.

Xariga Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ayaa ka dambeeyay saacado kaddib markii uu Wareysi siiyay Idaacadda Kulmiye, isagoo ku sheegay in mabda’ ahaan uu taageersan yahay Al-Shabaab.

Sheekh Abuukar Cumar Caddaan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku taageersan in la laayo waxa ugu yeeray Gaalada Gafuurka weyn oo ugala jeeday Ciidanka AMISOM ee ku jira Xalane iyo waxa la socda.

Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan oo naafo ku noqday shil uu sanado ka hor galay ayaa ku socda gaariga dadka curyaamiinta, waxaa uu ka mid ahaa taageerayaashii Midowgii Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay sanadkii 2006-ii waxaa uu maamuli jiray Dekedii Ceel Macaan ee duleedka Muqdisho.

Xariggiisa ayaa ku soo aaday, iyadoo walaalkiis Maxamuud Cumar Caddaan uu xiran yahay, isla markaana bil ka hor ay xabsiga dhigeen Ciidanka Nabadsugida.

Puntlandes.com

About The Author