Sawirro: Shir agaasimaasha Madaxtooyada Puntland iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madaxbanaan oo Garowe

17 Okt 2020 (Puntlandes) Shirkaan oo labaadi bilood mar iskugu yimadaan Madaxtooyada Puntland iyo agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Madax banaan ee Dowladda Puntland ayaa maanta ka furmey Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Shirkaan ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saraaya qodobo ay kamid yihiin Sidii wada shaqeyn dhow u yeelan lahayeen Agaasimayaasha guud, Mideynta akoonada Wasaaradaha Dowladda iyo Jihaynta mashruucyada dowladda.

Agaasimah Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Abdirshiiid oo ka hadlay shirka ayaa sharaxaad ka bixiyey ujeedka shirkanAgaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Cabdirashiid, oo guddoomiyey Shirka ayaa agaasimeyaasha guud hay’addaha Dowladda la wadaagay qorshaha wadashqeyn joogto ah, si loo horumariyo shaqooyinka ay dowladdu u hayso bulshada iyo in ay jirto kala war qaadasho la iskula xisaabtamo shaqada socota oo qeyb ka ah Yoolka dowladda ee ku dhisan.

Agaasime Ku-xigeenka Bankiga Dowladda Aniiso Cabdirixmaan iyo Xisaabiyaha Guud Dowladda Cumar Saalax Aadan ayaa dhankoooda ka hadlay mideynta koontada xisabaadka ee Wasaaraddaha dowladda iyo Hay’addaha dowladda .

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyada Puntland Faysal Cabdulaahi Warsame ayaa sheegay in ay wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dowladda ay bishan lagu jiro dhamaadkeda ka furtan bankiga dowladda akoono tasoo qayb ka noqon doonta qorshayaal hir-galin doonta mideynta hal Akoon oo ay yeelan doonan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda


Puntlandes.com

About The Author