Garoonka diyaaradaha Beledweyne oo ay Roobab xireen

18 Okt 2020 (Puntlandes) Garoonka diyaaradaha magaalada Beledweyne ee Ugaas Khaliif ayaa waxaa xiray roobab mahiigaan ah oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaaladaasi.

Waxaana hakad galay dhammaan shaqooyinka garoonkaasi iyo howlihii duulimaadyada ee ka socday garoonkaas, iyadoo ay buux dhaafiyeen oo fariistay biyo ka dhashay roobab saacadihii u dambeeyay ka da’ay magaaladaasi.

WQaar ka mid ah dadka reer Beledweyne ayaa sheegay inay dhib weyn ku qabaan hakad markasta oo uu hakad ku yimaado shaqada garoonka, mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maanta garoonka uusan shaqeyneynin, islamarkaana ay saameyn ku yeesheen roobabkii da’ay.

“Runtii roobkii ka da’ay magaalada iyo carro ayaa xiray garoonka diyaaradaha Beledweyne maanta ma’ahan mid shaqeynaya, qofkii Xamar u socda gaari ayuu Guriceel ku tegayaa si uu diyaarad uga soo raaco,” ayuu yiri qof ka mid ah dadka Beledweyne.

Dhinaca kale mid ka mid ah mas’uuliyiinta garoonka ayaa dhankiisa shaaciyey inay wadaan howlo dib loogu furayo garoonka, isaga oo rajeeyey in 48-saac gudahood uu ku furmi doono garoonka, kadibna ay si rasmi ah u billaaban doonaan duulimaayada.

Beledweyne oo xarun gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka ayaa waxaa maalin weliba tegi jiray diyaarado dhowr oo ka bixi jiray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya maadaama aan safar dhanka dhulka ah lagu mari karin Muqdisho iyo Bedelweyne.

Puntlandes.com

About The Author