Sawirro: Madaxweynaha Somaliland oo Berbera lagu soo dhaweeyey, mashaariic cusub kormeer iyo Xarig-ka-jaris ku Sameeyey

18 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo wefti ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey magaalada Berbera iyo guud ahaanba deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxa deegaanka Cumar ku-joog ku qaabilay madaxda gobolka Saaxil iyo degmada Berbera, waxana intaas kadib soo dhaweyn diirran oo aan loo kala hadhin ay kala kulmeen bulshada ku dhaqan deegaannada Dacar-budhuq, Abdaal, Xammaas iyo magaalooyin kale oo ku yaalla inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Shacabka ku dhaqan magaalada Berbera oo lulaya caleemo qoyan ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortegay kaantaroolka galbeed ee magaalada, waxana ay u galbiyeen dhinaca magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu socod lug ah shaaracyada magaalada kula Soo maray shacabkii soo dhaweeyey.

Intaas kadib, madaxweynaha iyo xubnaha weftigiisu waxa ay kormeer ku tageen marsada cusub ee Berbera oo ay shaqadeeda iyo casriyeynteedu si xawli ah u socoto, waxana halkaas kusoo dhaweeyey maamulka iyo hawl-wadeennada dekedda Berbera, isaga oo madaxweynuhu xarigga ka jaray Taag cusub oo casri ah oo dekedda loo soo iibiyey.

Maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi oo hormuud u ahaa madaxdii madaxweynaha iyo weftigiisa kusoo dhaweysay gudaha dekedda Berbera, ayaa si kooban uga warbixiyey dedaallada ay maamul ahaan ugu jiraan horumarinta dekedda iyagoo fulinay siyaasadda madaxweynaha ay isaga xil saareen inay dekeddu hesho dhammaanba adeegyada Aas-Aasiga u ah shaqada ballaadhan ee ay dekeddu gobolka u hayso.



Puntlandes.com

About The Author