Sawirro: Madaxweyne Deni oo maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Garowe

18 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyay Garowe, soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka muuqatay guusha iyo doorkii muhimka ahaa ee uu ka qaatay Shirarkii lagu go’aaymiyey doorashada Soomaaliya ee la mudeeyay.

Madaxweynaha waxaa kusoo dhoweeyay Garoonka diyaaradaha ee Garoowe, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada , Maamulka Gobolka iyo kan degmada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada magaaladda Garoowe.

Madaxweyne Deni oo fagaaraha Barxada kula hadlay dadweynaha, wuxuu uga mahadceliyay soo dhoweynta , Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada In Dowladda Puntland Shacabkeedu ay mar walbo door muhim ah ka qaadanayaan dhismaha dowladdnimada Soomaaliyeed.



Puntlandes.com

About The Author