Sawirro-muuqaal: hadaljeedintii Madaxweyne Muuse Biixi ee munaasabadda Qalin-jebinta Arday ka baxday Jaamacadda Burco

19 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta farxadda kala qaybgalay 499 (Afar boqol iyo sagaashan iyo sagaal) Arday oo sannadkan ka qalinjebisay jaamacadda Burco, kuwaas oo ah dufcaddii 10-aad ee wax ka barata Jaamacadda.

Munaasibadda qalinjebinta Jaamacadda Burco oo laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo Ardayda waxbaratay, islamarkaana loogu mahadnaqayo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, ayaa sidoo kale ardayda loogu jeediyey dardaaran iyo wax sheeg la xidhiidha sidii ay ardaydaasi dalkooda iyo dadkoodaba horumarkiisa uga shaqayn lahaayeen.
Ugu horrayn guddoomiyaha Jaamacadda Burco, Dr. Ciise Nuur Liibaan, ayaa ku dheeraaday taariikhda jaamacadda Burco, isaga oo xusay inay Jaamacaddu guud ahaanba gobollada Bariga dalka u ibo-furtay horumar iyo aqoon, islamarkaana ay iyada lafteedu ballaadhatay oo ay kulliyadaheedu kordheen muddadii ay jireen.



Puntlandes.com

About The Author