Daawo aaskii loogu sameeyey Xamar xil Saado Cali

0

Gaalkacyo (Pes); Waxaa maantay lagu aasay Xamar xil Saado Cali oo shalay 23-07-2014 ay ku dishay Xamar gacan ka xaqdaran. Ma jirto ilaa iyo hada cid loo soo qabtay in ay dishay xildhibaanada. Meesha lagu dilayna waxaa ka agdhawaa ciidamo aad u tiro badan. Gacan ku dhiiglayaashii dilay xildhbaanadana iskood ayey uga tageen goobtay ku dileen.

Hadaba waxaa maantay lagu aasay Xamar iyadoo ay diiday DFS dalabkii madaxweyne Gaas ee uu dalbaday in lagu aaso Puntland xil Saado. Halka ay u ogolaatay DFS in ay Puntland soo dirsato wafti booqda Qabriga xil Saado.

.
Halkaan ka daawo aaskii maantay loo sameeyey xil Saado

Xafiiska wararka

Puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *