Falanqaynta Todobaadka Iyo Puntland

0

Dhacdooyinkii ka dhacay todobaadkan Puntland aad bay u badnaayeen. Waxaynu isku dayeynaa in aynu ka soo qaadano kuwa ugu muhiimsan. Waxaan kaloo todobaadkan bilaabayaa in aan ku cabiro wixii fiican oo dhacay suul kor u taagan wixii aan fiicnayna suul hoos u foorara, hooska eeg.

266

Dhacdooyinkii ugu waawaynaa todobaadka

233Axad 20 ka july 2014 Ciidamo booliis ah ayaa xabsga u taxaabay suxufi madaxbanaan oo la yiraahdo Cabdalla Aadan Adde. Xariga wariyuhu wuxuu meel ka dhac ku yahay Puntland, Dastuurkeeda iyo shacabkeeda. Wuxuuna ku xadgudbayaa xoriyada saxaafada iyo kan hadal ama muwaadinku in uu fikradiisa ku cabiro qoraal, hadal suugaan iwm
Isniin 21 kii july 2014 Dood dheer ka dib Baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta ansixiyey oo meel mariyay xeerka saxafada oo ay dhowaan wasaradda warfaafinta usoo gudbisay. Xeerkan aad iyo aad baa saxaafada Puntland uga qaylisay isayoo xeerkani wax u dhimaya ama caburinaya xoriyada hadal iyo qoraal.
Baarlamaanka Puntland isagaa ah xeerdajiyaha Puntland xaqna u leh, laakiin waxaa haboon in ay dhagaystaan qaylodhaanta ka yeeraysa indheergaradka iyo Suxufiyiinta Puntland. Haddii aan dadwaynaha reer Puntland khaasatan dadka ay goonida u qusaysaa aysan xeerar wax ka lahaan yaa lagu xukumayaa waa su,aale? Waxaa loo baahan yahay in aan la dhaqan gelin xeerkan.
Talaado 22 ka july 2014 Madaxwayne Gaas ayaa kula kulmay aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Puntland,Agaasimewaaxeedyada Maamulka ee Wasaaradaha,Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha madaxa banana iyo Gudoonka Hanti dhowrka Qaranka Puntland oo tiro ahaan Gaarayay 67 agaasime.
Waxyaalihii uu Dr Gaas kala halay waxaa ugu muhiimsanaa:
Soo Xareynta Dakhliga iyo Canshuuraha Dowladda.
Dr Gaas ayaa nuuxnuuxsaday inay tahay qodob Tastuuri ah in Cashuurta la bixiyo,islamarkaana Canshuur kor uqaadis lagu sameeyo Canshuuraha laga qaado Hay’addaha Madaxa banaan ee ka howlgala Puntland.
233Waxaa shacabwaynaha reer Puntland yaab iyo amakaag ku notay laba arimood: Waa tan koowaade; Dastuurka ma waxaa la cuskanayaa ama lagu dabakhayaa marka Gaas muraad leeyahay? Waa tan labaade; Ma agaasimaha wasaaradaha caafimaadka, waxbarashada, dastuurka, haweenka …. Tv ga, iwm ayaa canshuur ururiyaal noqday? War maxaa si ka ah Dr Gaas? Waxaa waajib ku ah dowlada in canshuurta la qaado si waafaqsan sharciga loo isticmaalo. Anagoo og in adeegyadii arimaha bulshadu hoos u dhaceen ama istaageen, in aysan helin mushahaar shaqaalaha dowladu.
Arbaco 23 ka july 2014 Madaxweyne Gaas wuxuu hortagay Baarlamaanka Puntland. Arintani waxay ahayd arin aad iyo aad u wayn aadna muhiim u ah.
Su,aalihii Baarlammanku waydiiyeen waxaa ka mid ahaa: Waxa iska badalay xiriikii go, naa ee Puntland iyo dawladda Xamar oo waliba xildhibaanka sitoos ah u waydiiyey: In uu dadka u cadeeyo in uu wali go, an yahay iyo in la heshiiyey.
Su. aasha labaad ee xiisaha lahayd waxay ahayd arinta kusaabsanayd dastuurka. oo waliba xildhibaanku uu si toos ah u waydiiyey: Dastuurka dib loo eegayaa makii Khaladanaa baa misse waa kii lagu heshiiyey.

Inta aanan ugalin sida uu uga jawaabay Gaas, su,aalahaas.
• waxa iska badalay xiriikii go, naa ee Puntland iyo dawladda xamar
• Tii kusaabsanayd dastuurka dib u eega lagu samaynayo

Waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo waxa sababay in uu xiriirku go,o.

Akhristoow waxaan lawada soconaa in fikirkii dhismaha Puntland uu ku bilawday markii qoladii Xamar joogtey ay diideen in shirkii aan ku baaqnay in Boosaaso lagu qabto. Shirkaas oo markii danbe loo wareejiyey Qaahira. Dulqaadkeenu awalba waa iska badnaaye dadkii markaa ina matelayey way aqbaleen in ay ka qayb galaan iyaga oo soomaalinimo raadinaya. Qolyaha Xamar joogey waa diideen in xukunka lala wadaago waana tan keentay in reer Puntland arkaan in ay mar hadii garawshiiyo laga waayey dadkii wax lagu darsanlahaa in ay iyagu maamul samaystaan.

Taa waxaa kasii horaysay balan bixii reer puntland lagusameeyey shirarkii Jabuuti iyo Itoobiya ee kala danbeeyey.
Waxaa kaloo xigtay in iyadoo Puntland wali soomalinimo raadinaysa in ay tageen shirkii Impagathi, taas oo aynu si loo kala nabadgalo, ku xirnay shuruud ah in dawlad federal ah lawada disto. Qolyaha Xamar joogaahi waxay aqbaleen magaca oo kaliya, laakiin waxaan qarsoonayn qorshe kale oo ay wateen.
Iyadoo aan wali lasamaynin dastuur lagu kala socdo ayaa waax heshiis gaaray 23 August 2009 xukuumadii uu hogaaminayey Cumar Cabdirashiid iyo tii madaxwayne Faroole. Laakiin heshiiskaas waxaa diiday qolyaha hadda Xamar jooga.

Taa kuma ekaane waxay Puntland isku dayday oo keentay in ay heeshiis kale gaaraan 9-11 Maarso, 2013 kii xukuumadii Saacid. Taas hadana waxaa si fudud ganafka ugu dhuftay Dawlada Xamar ee aan maslaxadda ummada rabin.

Waxa sii dheeraa in ay tirtireen dastuurkii lagu heshiiyey oo hadana markii Dawlada puntland ka cabatay oo waliba ku casuntay Xasan Sheekh Garoowe, in lagu kala kacay oo lagu heshiin waayey. Intaas kuma ekaan hagardaamooyinka Xamar laga maleegayey ee waxay xireen deeqihii waxbarashada Puntland ee Suudan, waxay dacwad joogta ah ladaba joogaan shirkadihii maalgashan lahaa Puntland ee batroolka waxay iska maamushaan wax lawada lahaa.

Haddaba markaan usoo noqdo dulucda qormadaan oo ku saabsanayd su,aalihii iyo jawaabihii shalay. Ayaan waxaan rabaa bal in aan isla eegno su,aalaha la waydiiyey iyo sidda uu uga jawaabay Gaas.

233Su, aalaha si toos ah Gaas ugama jawaabin wuxuu sidii caadada u ahayd bilaabay in uu sheego been cad oo aan geed loogu soo gaban. Taas oo ahayd “ hadii Dawladii iga horaysey aanay gorgortan ka geli jirin masiirka Puntland tayduna ka galimayso” iyadoo la, oghayah in ay hadda Puntland u ekaatay wado halaq mareen ah, taas oo dawladda Xamar iska soo gasho oo ay u dambaysey booqashadii wasiirka beeraha Xamar Caliow Ibro uu ku maray inta badan Goboladda Puntland socodka isagaa meel walba la taagnaa in uu indha indhaynayo xoolaha Somaalia (oo waa yaabe horta goormaa la heshiiyey)
Gaas beentaas kuma ekaane wuu sii sharaxay isgoo leh “inaga iyo dawladda Dhexe?? Kala qoqobnaanta waxbaa inooga halaabaya marka waxaa lagama maarmaan ah in xiriikeenu wanaagsan yahay” ( horta waa su,aale ma dawlad dhexaa misse waa dowlad federal ah hadiiba heshiis lagu ahaan lahaa???) miyuusan aqoona farqiga udhexeeya (misse waa khiyaamad meesha kujirta ) oo ninku isgaaba lagu xamanayey in uu wax ka ogaa beddelaada Dastuurka.
Cali Xaaji isaga laftirkiisu wuxu istacaalaa oo uu isticmaalay mar uu ka jawaabayey su,aal isaga khuseysey exact erayada Gaas ee kor ku xusan (tolow ma shirkaa?)
233Taas waxaa ka sii daran ee yaabka iyo ammakaaga xambaarsanayd markuu isku dayey in uu ka jaaabo tan dastuurka isagoo yiri “ Baarlamaanka Soomaliya ayaa xaq u leh in ay wax ka bedelaan Dastuurka inana waxaynu ku leenahay xildhibaano marka wax kastoo Xamar kasocda iyagaa ina ku matala “
233Bal akhristoow inta dibindaabyo iyo balan ka bax aan kor ku soo xusnay waligiin ma maqasheen xildhibaano Puntland ah baa ka horyimid ama diiday ama taageeray? Maantay oo taariikhdu tahay 24-07-2014 waxaa ka dhacay caasimada Puntland mudaharaad ay shacab caraysan ku muujinayaan sida ay uga xunyihiin dilkii foosha xumaa ee lagu dilay xil Saado Cali Warsame. Mudaharaadayaashu waxay ugu baaqeen xildhibaanada iyo wasiirada in ay ka soo tagaan Xamarta la isku ugaarsanayo.
Hoos ka daawo daqiiqada 3:51 sec

233Waxaa taas ka sii daran markuu ka hadlayey Gaas dib u eegida dastuurka “ meesha lagu gorfaynayo datuurka waxaa muhiim ah in ay dad inoo joogaan marka dad wax tar leh baa inoo jooga oo ina ku matelaya” isagoo taa ula jeeday Caasha Geele oo markii iyada la waydiiyey maadaama aysan Puntland iyo qolyaha xamar heshiis ahayn waxa ay iyadu yeelayso, ku jawaabtay “ war anagu waxaan soo saaraynaa Dastuur umadeed maxay tahay Gobalka iyo Puntland iyo waxaad sheegaysid” iyo “ anigu waan dalacay oo siyaasadda puntland waan ka faraxashay oo siyaasad Gobol weeye”
Akhirstoow dadka hawl karka ah ee uu Gaas leeyahay dad bay Puntland wax ula qaybsanayaan waa kuwaas.
Dadka reer Puntland waxaa maalinba maalinta ka dambaysa u iftiimaya xiriirka xaaraanta ah ee ka dhaxeeya Gaas iyo Xasan Kheekh. Xasan ayaa maanta Puntland siduu rabo u maamusha isagoo aan bedelkeeda Gaas waxba la siin.
234Waxaanse aad loogu qancay sida uu gudoomiha baarlmaanka Puntland ku soo xiray shirka oo ahaa in aan dastuur umadi ku heshiisay aan cidina badeli karin oo ay tahay sharci daro, aad baan ugu mahadnaqaynaa barlamaanka Puntland u istaagida danaha iyo xuquuqda Puntland ay u istaageen. Wuxuuna intaa ku sii daray Gudoomiyuhu in ay dastuuri tahay in dowladaha xubnaha ka federaalka ay qayb ka noqdaan dib u eegida dastuurka.
234Marka la falanqeeyo su,aalihii iyo jawaabihii Gaas ee shalay uu Baarlamaanka Puntland dhexmaray. Waxaa kuu soo baxaysa laba waxyaalood oo u baahan in si dhow loola socdo. Labadaasi waa sidatan
1. Daacad la,anta iyo siyaasad khiyaano ah oo been sheeg ku dhisan oo uu layimid hogaanka Puntland ee hada Dr Gaas
2. In ay Barlamaanka iyo shacabkuba la socdaan oo wali la dhawrayo bal in uu isbadalo ama garto in siyaasad khiyaano iyo been sheeg ku dhisani aanay meel gaarayn in ay isaga dhibaato u keento mooyaane.

Khaniis 24 ka july 2014 waxaa xarunta Madaxtooyadda Dawladda Puntland ku qabsoomay shirkii Golaha Wasiirada dawladda Puntland shirkaas oo Khamiis’le ah. Hadaba Soomaalidaa waxay tiraahdaa ”Ileen sagaaro ima barato” Gaas iyo dowladiisu shirkoodu waa sawiro la iska qaado iyo in wixii ku soo dhacaba aysheegaan. Kani kuwii hore waxba ugama duwana oo waa ”shimbirayahow heesa hees wanaagsan heesa” Nuxurkiisuna waxuu ahaa ka tacsiyeyta xil Saado oo gacan ka xaqdarani ku dishay Xamar.

Waxaana ka mid ahaa Labo qodob oo xasaasiya oo lagu soo qaaday shirkii golaha wasiirada shalay ku qabsoomay Garowe.

1 Sidoo kale Dawladda Puntland waxay si buuxda uga qeyb galeysaa Aaska Qaran ee loo sameynayo Marxuumad Xildhibaan Saado Cali Warsame waxaana Dawladda Puntland u dirtay wafdi ka kooban 17 mas’uul oo kala ah Wasiiro, Xildhibaano Isimo iyo Saraakiil kale

2- Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dawladda Puntland ayaa maanta keentay heshiiskii kaluumeysi ee ay wada galeen Dawladda Puntland iyo Jabouti iyo Puntland iyo Yemen,heshiiskaas oo qeexaya is-afgarad dhexmaray Dowlada Puntland iyo Dowladaha Jabouti iyo Yemen. Heshiiskaas oo lagu xakameyn doono kaluumeysiga sharci darada ah.

Bal Eeg Weerahan Jawaabta u ah Qodobada.
233Qodobka koowaad: Ma garan karo waxay u caadaysatay xuukmada uu garwadeenka ka yahay Dr Gaas in ay shacabwaynaha reer puntland jahawaeeriso ooy caado ka dhigato in aysan runta u sheegin.

263
Sawirkani waa qaar ka mid ah waftigii aaday Xamar oo fadhiya shirka golaha wasiirada. Waxaama lagu yiri qodobkan Puntland waxay si buuxda uga qaybgelaysaa aaska xil Saado oo Xamar lagu dilay laguna aasay. Waa maxay sababta ay waxaan u sheegayaan oo dadka u jahwareerinayaan? Qof ka socda dowlada Gaas goobgoob ma ahayn markii la aasayey xil Saado Cali.. Qoraal sharaxaya halkan riix oo akhriso
Hoos ka daawo markii Xamar lagu aasayey xil Saado

233Qodobka labaad: waxaa lagu yiri in wasaarada kaluumaysigu iyo Khayraadka Baddu soo bandhigtay heshiiskii kaluumeysi oo ay la gashay Jabouti iyo Yemen.,Waxaa kaloo intaas lagu daray in heshiiskaas lagu xakameyn doono kaluumeysiga sharci darada ah. Cajiib, waa yaabe horena waxaan ugu soo qaatay Falanqaynta Todobaadka iyo Puntland, soow ma ahayn dowladu in ay u soo bandhigto shacabka heshiiska oo faahfaahsan. Si ay dadka reer Puntland u arkaan waxa ay kula heshiiyeen Jabuuti iyo Yemen. Awalbay kaluumaysatadeenu ay waayeen kaluunkii ay badda ka kaluumaysan jireen maxaa yeelay waxaa boobay qowlaysato badeena boobta. Mana qaadi karto badeenu in aaduunkoo dhami u soo kaluumaysi tago mid ay dowlada Gaas ku sheegto sharci iyo mid sharcidaro ay ku sheegto. Waa waajib in ay dadka u soo bandhigto dowladu heshiiska kaluumaysiga ee ay la gashay Jabuuti iyo Yemen.

 

 

 

Gabogabo

234Todobaadkan anoo soo gudbinaya dareenka shacabka samaha iyo dawladnimada jecel ee reer Puntland waxaan mahannaq balaaran oo aan la soo koobi karin iyo amaan u jeedinayaa Baarlamaanka Puntland sidii uu u muujiyey masuuliyadiisa. Waxay tani hurdada ka kicinaysaa mudane Gaas oo mooday in uu Puntland isagu leeyahay. Puntland Dr Gaas waa ka wayn tahay. Puntland ma dhicayso in ay noqoto wax uu u maleeyo in ay jeebka ugu jirto.
234Waxaan kaloo amaan gaar ah iyo sacab mutaystay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Siciid Xasan Shire oo muujiyey in uu jiro hogaamiye difaacaya danaha dadka iyo dalka Puntland ”good job” Gudoomiye. Gudoomiye waxaad maantay u iftiimisay dadka reer Puntland hogaamin toosan iyo mustaqbal wacan oo la isku halayn karo. Waxaana loo baahan in aad meeshaas ka sii wadaan.

 

Falanqayntii Puntlandes.com

info@puntlandes.com

info@puntlandes.com

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *