Sawirro: Saraakiisha booliska Gobolka Mudug oo u ambabaxay Magaalada Carmo ee Gobolka Bari

20 Okt 2020 (Puntlandes) Saraakiisha booliska Gobolka Mudug ayaa u ambabaxay magaalada Carmo ee Gobolka Bari, iyadoo ujeedada safarkaan uu yahay tababar ugu furmi doona kulliyadda tababarka ciidanka Booliska Soomaliyeed ee Carmo.

Qorshahaan oo qeyb ka ah dib u habaynta ciidanka booliska guud ahaan gobolka Mudug waxaana la tilmaamayaa Gobolka Mudug inuu noqday gobolada ugu horeeya xaga dib u habaynta Ciidanka.

Saraakiishan maanta aqoonkororsiga u aaday Carmo waxay ahaayeen dhamaan taliyaasha saldhigyada,taliye kuxigeenka qeybta booliska Gobolka iyo Saariisha hawlgalinta,waxaana kasii horeeyay dhamaan ciidanka booliska Gobolka kuwaas oo qaybna soo martay tababaro kuwii kalana ay ku jiraan tababar.


Puntlandes.com

About The Author