Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay xubnaha golaha wasiirada cusub

20 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda Soomaaliya ee uu Xalay ku dhawaaqay Rooble.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada iyo haweenka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardargalinta howlaha horyaalla Xukuumadda si dalka looga qabto doorasho.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Khayre, waxaana Golaha Wasiirada aan kasoo dhex muuqan Wasiirada, Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.


Puntlandes.com

About The Author