sawirro: Xildhibaano ka tirsan Golaha Puntland oo kulan la qaatay Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmada Bosaso.

22 Okt 2020 (Puntlandes) Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo howlo-shaqo u jooga Bosaso ayaa kulan la qaatay Maamulka Gobolka Bari iyo kan Degmadda Bosaso.

Xildhibaanadda ayaa kulanka la yeeshay Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1aad Ee Gobolka Bari Axmed Cali Cabdulaahi Cirro, Guddoomiyaha Golaha degaanka ahma Duqa Degmadda Bosaso Cabdisalaam Bashiir Cabdisalaam xigeenka Duqa Deg. Boosaaso Siciid Cabduraxman Maxamed Garoon.

Ujeedada kulanka ayaa aheyd u diyaar-garowga Doorashadda 2020-2021 ee lagu qaban-doono Magaaladda Bosaaso Ee Gobolka Bari. Dhinaca kalena, Xildhibaannadda Golaha Wakiillada DPL oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Degaanka ahna Duqa Degmadda Bosaso ayaa kormeer ku tagay Airporka Bander-qaasim iyo Dekadda magaaladda Bosaso.

Socdaalka Xildhibaanada ayaa qeyb ka ah u diyaar-garowga Doorashadda Xildhibaanada Dawladda Federalka ee Soomaaliya taas oo ka dhici doonta Magaaladda Bosaso.


Puntlandes.com

About The Author