Madaxweyne Muuse Biixi oo Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey

24 Okt 2020 (Puntlandes)  Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu wareegtooyin Madaxweyne xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumaddiisa.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:
Wareegto Madaxweyne


UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Sahal Maxamed Jaamac;
Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
1. Maxamed Cabdi Maxamuud Samatar Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka.
2. Maxamed Xasan Dirir Maxamuud Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha .
3. Axmed Cabdi Ismaaciil Caqli Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta .
4. Mubaarak Cabdillaahi Ibraahin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga.
5. Maxamed Geeddi Caynaanshe Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
6. Xamse Suldaan Aadan Faarax Agaasimaha Guud ee Hay’adda Dhawrista Tayada

About The Author