Sawirro: Golaha Shacabka oo Xukuumadda Rooble oo cod aqlabiyad leh ku ansaxiyay

24 Okt 2020 (Puntlandes) Kulanka golaha shacabka baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha golaha mudane, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen 188 xildhibaan, ujeedkiisuna ahaa kalsooni siinta golaha wasiirrada cusub oo dhawaan uu soo magacaabay ra’iisul wasaaraha xukuumadda mudane, Maxamed Xuseen Rooble iyo barnaamijka xukuumadda, ayaa waxaa khudbad ka horjeediyay golaha ra’iisul wasaaraha cusub, isagoo ka hor akhriyay barnaamijka xukuumadda oo ay kamid yihiin sugida amniga,caddaaladd,kobcinta dhaqaalaha,xakameynta Covid-19,ilaalinta xuquuqul insaanka iyo qabsoomida doorashooyinka 2020-2021.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa xildhibaannada golaha shacabka ka codsaday in ay codka kalsoonida siiyaan golaha wasiirrada uu soo magacaabay si ay u dardar geliyaan howlaha horyaalla.

Xildhibaannada oo codka kalsoonida u qaaday xukuumadda cusub ayaa waxaa oggolaatay 188,wax ka aamusay iyo wax diidayna majiraan sida uu sheegay guddoomiyaha golaha mudane Maxamed Mursal.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay xubnaha golaha wasiirrada cusub ee baarlamaanku meel mariyay.

Xukuumaddii Ra’isal Wasaare Khayre ayaa waxa gollaha Shacabku rideen 24kii Luulyo 2020, taas oo maanta 24ka oktoober laga joogo 92 cisho.

Ra’isal Wasaare Rooble waxaa la magacaabay 17kii sebtember 2020, iyadoo ay golaha Shacabku siiyeen codka kalsoonida 23kii sebtember 2020. Ra’isal Wasaare Rooble ayaa xukuumaddiisu waxay inta badan ka timid xukuumaddii uu gollaha Shacabku codka kalsoonida kala noqday.


Puntlandes.com

About The Author