Dawladda Professor/Dr. Gaas iyo Sheegasho wax aaysan lahayn

Inteena la socotey  Projects:kii socday xiligii xukuumadii hore ee Puntland iyo waxa ay wareejisey markii ay xilka ka degeysey waxaynu la wada soconey in ay socdeen, qaarkoodna ay gabo gabo ahaayeen hawlahaan. Waxaa ka mid  ahaa   Xabsiga weyn ee Garoowe, Garoomada Boosaaso, kan Garoowe, Dhismaha Jaamacadda Baran, buundada middigar iyo waliba Jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe,

Halkan ka daawo markii Dr Gaas xilka la wareegayey iyo wixii lagu wareejiyeyba

Intaasba waxaa sheegtay Madaxwayne Dr.Gaas isaga oo aan ka xishoon in ummadoo dhami ogeyd in intaasba lagu wareejiyey maalinkuu lahaa “ waxaan qirayaa in ay Puntland ka jirto Dawladnimo dhab ah”

Waxaa hal hays u noqotay in badan oo jago ka haya maamulka Puntland ereyga ah  “ isku tashiga uu madaxwayne Gaas ku baaqay” qaar baa ku daray oo lagu dhisay buundada middigar !! iyada oo micnaha meesha ku jiraa uu yahay Guulwadayntii laga dhaxlay xukunkii allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre.

Anoo la yaaban taas iyo sheegashada xishood la aanta ah, baan waxaan arkay qoraal ku saabsan Wakiilka Puntland ee Finland. Qoraalkaasi waxa uu u dhignaa, sidatan

“Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo khadka Teleefoonka ugu khudbeeyey Jaaliyada Puntland ee Finland

Shirka waxaa goobjoog ka ahaa dhammaan xubnaha jaaliyadda rag iyo dumarba. Waxaa isna goobjoog ka ahaa shirka wakiilka dawladda Puntland ee Finland Eng Abdirizak Musse Ali Ilweyn oo shirka ka soo jeediyey warbixin uu uga hadlayo waxqabadka dawladda puntland iyo mashaariicda wax tarka leh ee socda. Wakiilka ayaa ugu danbayn shirka ku soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Karaash” Halkan ka akhri qoraalka

Isla maanta ayaan  hadana arkay cinwaankan sidaan u qoran .

“Wakiilka Puntland ee Finland oo ka qayb galay shir looga hadlaya yaraynta Tahriibayaasha Yurub galaya”

Wakiilka dowladda Puntland ee dalka Finland ahna la taliyaha dallada ay ku midooben ururada qurba-joogta Puntland ee dalka Finland,Cabdifitaax Jaamac (Janna-gale) ayaa shirka ka qayb-galay” Halkan ka akhri qoraalka kale

 

Toloow labadaba ma Dr. Gaas baa warqado u qoray oo yiri cidi idin ogaanmaysee labadiinuba iska sheegta??

Misse inta bililiqada uu asba wado la arkay baa ninkood bililiqo wadaa?

1106

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Puntlandes.com

About The Author