Somaliland oo hakisay wadashaqeynta Qaramada Midoobay

26 Okt 2020 (Puntlandes) Somaliland ayaa shaacisay inay hakisay dhamaan wadashaqayntii iyo howlihii kale oo ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadeen Somaliland.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Qorshaynta & Horumarinta Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in la hakiyay wada-shaqeyntii ka dhaxeysay Soomaaliland iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Wasaaradda ayaan si rasmi ah u sheegin sababaha keenay in la joojiyo wadashaqeynta Qaramada Midoobay,hase yeeshee waxa ay ku soo beegantay arrintn xilli dhowan ay dowlada federalka iyo Qaramada Midoobay ay kala saxiixdeen heshiis kaasoo sheegayay in dowlada federalka Soomaaliya lasoo marsiinayo dhammaan barnaamijyada Qaramada Midoobay ka fulinayso Soomaaliya, oo ay ku jirto Somaliland.

Puntlandes.com

About The Author