Ganacsade lagu diley magaalada Kismayo

26 Okt 2020 (Puntlandes) Magaalada Kismayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland ayaa waxaa maanta lagu diley mid ka mid ah ganacsatada caanka ka ahaa magaaladaas.

Koox ku hubeysan bastoolado ayaa ku dishay xaafada Calanley ee magaalada Kismayo Maamulihii shirkadda xawaalada AMAL ee magaalada Kismayo Cabdullaahi Shigshigoow.

Raggii ka dambeeyay dilka ayaa la sheegay inay baxsaddeen iyadoo goobta uu falka uu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan Booliska Jubaland, kuwaas oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas.

Puntlandes.com

About The Author