Sawirro: Wasiirka cusub ee Warfaafinta oo xilka la wareegay

26 Okt 2020 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee wasaaradda Warfaafinta Cismaan Abuukar Dubbe oo dhawaan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay xilkaas ayaa kala wareegay xilka Wasiirkii hore Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), waxaana munaasabadda xil wareejinta goob-joog ka ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goobjoog ka ahaa munaasabadda xil wareejinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa bogaadiyay shaqooyinkii uu soo qabtay Wasiirrkii hore ee maanta xilka wareejiyey.

Mahdi ayaa waxa uu kula dardaarmay Wasiirka cusub ee Wasaarada Warfaafinta iyo Dalxiiska in ay sii wadaan qorshaha dib-u-habeynta Warbaahinta Qaranka iyo xoojinta isku xirka Warbaahinta iyo Dowladda.


Puntlandes.com

 

About The Author