Sawirro: Wasiiru dowlaha cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda oo xilalkooda la wareegay

27 Okt 2020 (Puntlandes) Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Balal Maxamed Cusmaan iyo Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa maanta oo Talaado ah si rasmi ah ula wareegay xilalkooda, iyadoo goobjoog uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda, qaar ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka, Aqalka Sare , Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda iyo sidoo kale agaasimayeyaasha waaxyaha Wasaaradda.

Wasiiru dowlihii hore ee Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa ku wareejiyay dukumintiyo Wasiiru dowlaha cusub, Mudane Balal Maxamed Cusmaan, halka Wasiir kuxigeenkii hore , Mudane Mukhtaar Mahad Daa’uud, uu ku xil wareejiyay feelal iyo dukumintiyo Wasiir kuxigeenka cusub, Mudane Maxamuud Cabdullaahi Siraaji.

Wasiiru dowlaha cusub iyo Wasiir kuxigeenka ayaa waxa ay codsadeen taageero iyo wada shaqeyn dhab ah si ay u gutaan waajibaadka loo idmaday si loo gaaro yoolka la hiigsanayo oo ah mid ugu adeegaysa dadka iyo dalka si daacadnimo oo nafhurnimo leh.


Puntlandes.com

About The Author