Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Hirshabelle oo la dhaariyay

31 Okt 2020 (Puntlandes) Munaasanad lagu dhaarinayay xildhibaanada cusub ee baarlamaanka maamulka Hirshabelle ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

Xildhibaanada cusub ee la dhaariyay ayaa badankood waxa ay yihiin kuwo dhalinyaro ah kuna cusub siyaasadda iyadoo aan la ogeyn waxa ay ka bedeli karaan siyaasadda Hirshabelle.

Xildhibaanadan ayaa waxaa guddoomiye ku meelgaar ah loo doortay xildhibaan Maxamuud Siyaad Barqadle oo ah xildhibaanka ugu da’ada weyn ee ku jira golaha Baarlamaanka.

Dhanka kale munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa hareeyay muran ku saabsan xildhibaano loo diiday inay ka qeybgalaan kadib markii ciidamada ammaanka ay ka qaadeen warqadii aqoonsiga ee ay guddiga farsamada siiyeen.

Puntlandes.com

About The Author