Madaxweyne Farmaajo:Waan la qeybsaneynaa dhibaatada Shacabka iyo Dowladda Turkiga

31 Okt 2020 (Puntlandes) Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka  Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayaa ka hadlay dhul-gariirkii ku dhuftay magaalada Izmir ee dalka Turkiga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda federaalka ay aad uga xun-tahay musiibadaasi, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay dhibaatada la qeybsaneyso shacabka iyo dowladda Turkiga oo dhul-gariirkaasi uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac  iyo burbur aad u xoog badan.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha ku baaqay in la gacansiiyo shacabka iyo dowladda Turkiga oo haatan wajahaya xaalad adag ee ka dhalatay Dhul-gariirka.

Ugu dambey madaxweyne Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) uu rajeeyey dowladda Turkiga inay Alle ku guuleeyo dadaalka gurmadka ee ay haatan wado.

Dhul-gariirkan oo cabirkiisu yahay 6.6 ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 26 ruux iyo dhaawaca boqolaal kale.

Puntlandes.com

About The Author