Dib u dhac ku yimid jadwalkii doorashada ee lagu heshiiyey

01 Nov 2020  (Puntlandes) Dib u dhac ayaa ku yimid jadwalkii doorashada ee ay horay ugu heshiiyeen DFS iyo Dowlad Goboleedyada dalka,

Waxaa  dhamaaday waqtii la filayay in lagu soo magacaabo Guddiyada doorashada Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, iyo Guddiga Xalinta Khilaafaadka, inkastoo Dowlad Goboleedyada ay gudbiyeen xubnaha uga mid noqonaya Guddiyada ayaa haddana wali laga sugayaa in Xukuumadda soo magacawdo labada Guddi doorasho heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo Guddiga xalinta khilaafaadka.

Sida ku cad jadwalka maanta oo ay ku beegan tahay 1-da bisha November ayaa lagu waday inuu billowdo qorshaha soo xulista, diyaarinta ergooyinka iyo goobaha codbixinta, balse waxaa muuqata inuu dib u dhac ku yimid qorshahaasi iyo jadwalkii la shaaciyey.

Jadwalka ayaa sidoo kale ah in doorashada Aqalka Sare ay dhici doonto 1-da illaa 10-ka December, halka tan golaha shacabka ay dhici doonto 10-ka illaa 27-ka December.

Sidoo kale doorashada guddoonka labada Aqal iyo tan maadaxweynaha ayaa dhici doonto 1-da Janaayo illaa 8-da Febraayo ee sanadka soo socda 2021-ka.

Ilaa hadda lama saadaalin karo goorta ay dawladda Federaalku magacaabayso guddiyada iyo waqtiga ay doorashadu madaxwey nuhu dib uga dhici doonto xiligii loo asteeyey ee 8-da febraayo 2021.


Puntlandes.com

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

About The Author