Sawirro: Shariif Sheekh Axmed oo gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle

01 Nov 2020  (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee caasimadda Hirshabelle.
Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa Jowhar kusoo dhweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Socdaalka Hogaamiyaha Madasha Xisbiyada qaran Sheekh Shariif uu ku tagay Jowhar ayaa uu ku soo aaday xilli lagu guda jiro dhismaha labaad dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Shariif waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya xubno xildhibaano katirsan Baarlamaanka oo ay Deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle, kulamo ayuuna la yeelandoonaa qeybaha bulshada iyo mas’uuliyiinta Dowlad gobaleedka hirshabeelle sida ay sheegayaan wararka halkaasi naga soo gaaraya.


Puntlandes.com

About The Author