Sawirro: Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo gaaray Garowe

16 Nov 2020 (Puntlandes) Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland,halkaa oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay.

Socdaalka shaqo oo qaadanaya muddo ku dhow toddobaad ayaa sidoo kale, wasiirka wuxuu booqan doono deegaanno ka tirsan Puntland, gaar ahaanna deegaannada ay ka socdaan barnaamijyada ay wasaaraddu ku taageerayso bulshada nugul.

“Waxay noo tahay arrin muhiim ah booqashadan uu wasiirka ku soo gaaray Garowe, wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Federaalka waxaa naga dhaxeeya wada shaqeyn ballaaran” Marwo Hodan Siciid Xasan, wasiir kuxigeenka Wasaaradda Shaqada,Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo wasiirka iyo wafdigiisa ku soo dhaweysay garoonka diyaaradaha Jen Maxamed Abshir ayaa u sheegtay warbaahinta.

Wasiir Duraan Faarax, ayaa sheegay socdaalkan inoo xaqiijinayo sida ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go’antahay in la daadajiyo adeegyada muhiimka u ah bulshada, wuxuuna inta ku daray inay hadda diiradda saarayaan sidii loo ballaarin lahaa dagaalka lagu dhimayo saboolnimada iyo shaqo la’aanta.

“Ujeeddada waxay tahay sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyada ay wasaaraddan ku taageerrayso..waxaana tagi doona deegaanno kale oo Puntland ah si loo dardargeliyo,qiimeyna loogu sameeyo barnaamijka Baxnaano oo taageerro dhaqaalo ay ka helayaan qoysas badan oo reer Puntland ah gaar ahaanna kuwa nugul.” ayuu yiri.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa kalo uu caddeeyay in dhowaan la guda gali doono taageerro dhaqaale oo la siinayo qoysaska uu saameynta ku yeeshay Ayaxa.

Booqasho uu wasiirka ku tagey Garowe, waxaa ku weheliya saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda oo ay qeyb ka tahay agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ahna madaxa barnaamijka Baxnaano,Fardowsa Axmed Cabdullahi.


Puntlandes.com

About The Author