Sawirro: Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada ee DFS oo Booqday kaamka Jibi gale oo ay ka socoto Diwaan gellinta dadkii ay wax yeeleeyeen Ayaxa

17 Nov 2020 (Puntlandes) Madax ka socota Dowladda Federalka Soomaaliyaa iyo Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland ayaa Booqday kaamka Jibi gale halkaas oo ay ka socoto Diwaan gellinta dadkii ay wax yeeleeyeen Ayaxa.

Wasiirka Shaqada iyo Arimaha Bulshada Soomaaliya Durhaan Axmed Faarax oo ay weheliso Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Hodan Siciid Xasan ayaa kor meer iyo indha indhayn ku tagay degaanka jibigale oo hoos taga Degmada Garoowe halkaas ay ka socota diwaan gelinta iyo hubinta dadka uu aadka u saameeyey Ayaxa.

Madaxda ka socota labada Wasaaradood iyo Hayada WFP ayaa warbixin ka dhegaystay Gudoomiyaha Kaamka iyo Shaqaalaha diwaan gellinta ka samaynaaya halka ay marinaayaan diwaan gellinta, habka diwaan gelinta iyo nooca ay yihiin dadka loo baahan yahay in la diiwaan gesho.

Wasiirada waxaa kulankan ku wehelinaayey madax ka socota WFP, Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Federalka Soomaaliyaa, Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland, Madaxa Mashruuca Baxnaano ee Puntland iyo Madax kale.


Puntlandes.com

About The Author