Sawirro: Axmed Karaash oo abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland

18 Nov 2020 (Puntlandes)  Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa abaalmarin guddoonsiiyey orodyahanada kaalmaha hore ka galay tartanka Orodka 5km ee heer Puntland oo galabta lagu qabtay Garowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa bogaadiyey orodyahanada tartanka ka qeybgalay oo ka kala yimi Gobolada Puntland iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha shaqada wanaagsan ee ay qabteen.

Tartanku markii uu dhammaaday waxaa uu Madaxweyne Ku-xigeen Dowladda Puntland uu Abaalmarin isugu jirta lacag iyo bilado guddoonsiiyey saddexdii orodyahan ee kaalmaha hore galay, kuwaasi oo kala ah Maxamed Cabdinuur Jaamac oo kaalinta koowaad galay , Fu’aad Siciid Cali oo isna kaalinta labaad galay iyo Maxamed Muxiyadiin oo kaalinta saddexaad galay.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, Maamulka gobolka iyo kan degmada, dhallinyaro, haween iyo marti sharaf kale.


Puntlandes.com

About The Author