Wasiirhii hore ee wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya oo iska diiday xilkii Safiirnimada ee madaxweyne Farmaajo u magacaabay

19 Nov 2020 (Puntlandes)  Wasiirhii hore ee wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa iska diiday xilkii Safiirnimada ee madaxweyne Farmaajo u magacaabay.

Wasiirka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in aanu diyaar u aheyn inuu xil qabto Safiir iyo mid kaleba, kaddib markii laga qaaday xilkii Wasiirnimo Madaxweynuhuna u magacaabay Safiir.

Qoraalka ayuu wasiirku ku sheegay in Madaxweynuhu ku mahadsan yahay xilkii Wasiirka Arrimaha dibadda ee loo magacaabay, sida uu qorayna wuxuu yiri 4 November 2018, balse xilliga saxda ah ee loo magacaabay xilka waxay aheyd 4 January 2018

Xil ka qaadista Axmed Ciise Cawad ayaa ku timid cadaadis ka yimid dowladdq Itoobiya iyo in kale, iyadoo xalay barta Twitter-ka ee Wasaaradda la soo dhigay qoraal looga hadlayay xaalada dalka Itoobiya iyo walaaca dowladda Soomaaliya ka qabto, isla markaana lagu baaqay in la xaliyo dagaalka gudaha ee Itoobiya, hase ahaatee markii dambe laga saaray.

Hoos ka akhriso qoraalka wasiierka

About The Author