Sawirro: Shirkii Musharaxiinta Madaxweynaha oo furmay Muqdisho ka furmay

21 Nov 2020 (Puntlandes) Shirka u dhaxeeya Musharaxiinta Madaxweynaha ee doorashada 2021 ayaa goor dhow ka furmay Hotelka Jazeera ee ku yaalla nawaaxiga garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Illaa 12 Musharax oo ay ku jiraan Madaxweynayaashii hore, Ra’iisul Wasaarihii hore, Madaxweynayaashii hore dowlad goboleedyada iyo Musharaxiin kale ayaa shirka goobjoog ka ah.

Warbaahinta ayaa shirka inta aanu furmin loo ogolaaday inay muuqaalo iyo sawirro ka qaataan, waxaana markii dambe loo saaray banaanka.

Shirka ayaa ah mid albaabada u xiran oo go’aamo ay ka soo saari doonaan Musharaxiinta, waxaana uu socon doonaa muddo saddex cisho ah.

Ilo ku dhow dhow shirka Midowga Musharaxiinta ayaa sheegaya in lagu dhisi doono Guddiyo iyo hoggaan hormuud u ah Isbaheysiga Musharaxiinta, waxaana uu yeelan doonaan Afhayeen warbaahinta la hadla.

Dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka bilowday Muqdisho ayaa ahaa mid la sii saadaalinayay, maalmihii la soo dhaafay, kaddib markii Musharaxiinta Madaxweynaha ay ka soo horjeesteen Guddiyadii doorashada, kuna tilmaameen inay xubno ka yihiin askar iyo shaqaale dowladeed, isla markaana aanay doorasho lagu geli karin guddiyadaas.

Puntlandes.com

About The Author