Daawo video: Xasan Sheekh “Milkiilaha DFS waa Fahad Yasin shalay wuxu dumiyey NISA, Booliska maantana siyaasada ayuu doonayaa inuu dumiyo”

22 Nov 2020 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Taliyaha awoodda badan ee Nabadsugida Qaranka Fahad Yaasiin ku eedeeyay inuu ka shaqeynayo dummin siyaasadeed.

Xasan Sheekh oo xalay ka qeyb galayay barnaamij dood wadag su’aalo lagu weydiinayay oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Talo Soo jeedinta Soomaaliyeed ayaa sheegay in Milkiilaha dowladda ee la sheego uu yahay Fahad Yaasiin.

“Milkiilaha dowladda ee la sheego waa la garanayaa waa saaxibkey Fahad Yaasiin, wuxuu ka shaqeynayaa dumin siyaasadeed, Madaxtooyada ayuu Agaasime ka noqday waa la ogyahay wixii ka dhacay Madaxtooyada, Nabadsugida tahay waa la ogyahay wuu kala diray Nabadsugida, waa dumiyay , duminta uu dumiyay kaligeed ma dumin ciidanka Booliska waa dumiyay”ayuu si kulul u yiri Xasan Sheekh.

Waxaa uu sheegay in horay si hoose ay ula hadleen Fahad, balse haatan si fagaare ula hadlayaan oo uu yahay nin ka shaqeynaya dummin siyaasadeed.

“Maanta waxa siyaasadda duminaaya waa saaxibkey Fahad, burbur ayuu ka shaqeynayaa hoosna waa ugu sheegnay, caawana fagaare ugu sheegeynaa, siyaasadda dalkaan in la dumiyo ma ogolaaneyno”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Puntlandes.com

About The Author