Sawirro: RW Rooble oo u safray magaalada Baydhabo

22 Nov 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble uu ku tegayo gudaha dalka gaar ahaan Baydhabo tan iyo markii bishii September loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.


Puntlandes.com

About The Author