Sawirro-muuqaal: Ra’iisul wasaare Rooble oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

22 Nov 2020 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminaya oo gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed, Masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku qotoma wada-shaqaynta hay’adaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed, dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka, kuwaas oo muran xoogan uu ka taagan yahay guddiyada KG, Hirshabeelle, Galmudug, Somaliland iyo Banaadir.



Puntlandes.com

About The Author