Jeneraal Khaliif Ciise Mudan oo ku geeriyooday dalka Turkiga

Allaha u naxariistee Gen. Khaliif Ciise Mudan ootodobaadyadii lasoo dhaafay ku xanuunanayey dalka Turkiga ayaa geeriyooday.

Jeneraalka oo kamid ahaa aasaasayaashii iyo Ganacsatada Puntland ayaa kamid ahaa murashaxiintii u tartamay xilka Madaxweynaha Puntland.

Marxuumka ayaa muddooyinkii danbe ahaa Lataliyaha Amniga ee Madaxweynaha Puntland, ayaa horey u soo noqday Wasiirkii Amniga Puntland, wuxuuna kamid ahaa Saraakiishii sare ee ciidamada Cirka ee Qarankii Soomaaliya.

About The Author