Sawirro: Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibbada oo xilka loo dhaariyay

25 Nov 2020 (Puntlandes) Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed Abuukar ayaa maanta loo dhaariyay xilka wasiirnimo ee dhawaan loo magacaabay.

Munaasabadda dhaarinta oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo ku xigeenkiisa koowaad C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Cabdirizaq Maxamed Abubakar ayaa xilkan loo magacaabay kadib markii ra’iisul Wasaare Rooble uu xilka ka qaaday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

La wareegida xilka Wasiirka arrimaha dibadda ayaa ku soo beegmaysa xilli ay dowlada federalka mowqifkeeda ku aadan siyaasada dalka Ethiopia uu ka dhashay muran sababay in xilka laga qaado wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.


Puntlandes.com

About The Author